DAAWO: Xildhibaanada Somaliland oo ka meer meeray diidmada Aqoonsiga Somaliland

64

Xildhibaanada kasoo jeeda beesha Isaaqo ee kusugan Muqdisho ayaa si adag uga hadlay doodaha dhexyaala DF & Somaliland, iyagoo gabi ahaanba ka gaabsaday in ay cambaareeyaan ama soo hadal-qaadan Talaabada Aqoonsiga ISR|L ay kusiisay Somaliland.

 

Xildhibaanada ayaa si cad u garab istaagay arrinta Somaliland, waxayna taxeen qodobo waa weyn oo ay arar ka dhigtaan, gaar ahaana doodaha ad adag ee laxariira in Soomaaliya dib wax ugu qeybsan karto oo kaliya Koonfur & Waqooyi, sidaas oo kale ay sheegeen in ficilada kasocda dhinacyada ay xaaladda uga darayaan.

 

Xildhibaanada ayaa sheegay in halkii laga raadin lahaa Midnimo & dawlad Soomaaliyeed, ay Koonfurtu talada maroorsatay oo dawladnimada 25kii sannaba lagu dulminayay aragtida Somaliland, aysana taasi sax aheyn.

 

Dawladda Faderaalka, waxay ku eedeeyeen in aysan jirin wax qorshe ah oo ay Midnimada ka leedahay, yoolka Koonfurtuna uu yahay uun in madaxweynaha & Ra’iisulwsaaaraha la kala qaato.

 

Sida kaliya oo heshiis ku imaan karro ayay sheegeen in ay taahy wada hadal loo galo Koonfur & Waqooyi oo aan wax kale jirin, taas oo ka dhigan dood adag.

 

1- Waxaan cadeynaynaa in aan Muqdisho u joogno Midnimo, waxaan aaminsanahay in dantu ku jirto wadajirka ummadda.

 

2- Dawladdii Soomaaliyeed 1dii July 1960-kii waxay ka dhalatay labo dawladood “Somaliland & Somalia”, waa in lagu laabtaa heshiiskaas dibna loo qeexaa isla jidkaas.

 

3- Si aanay u gaarin dhibaato aan la mahdin doonin wadajirka, waxaan labada dhinac ugu baaqaynaa Somaliland & Soomaaliya gaar ahaana madaxda hoggaanka in la joojiyo hadalada naceybka ah ee sii kala irdhaynaya bulshada.

 

4- Marnaba uma aragno gar iyo daw in la inkiro xaqqa dadka Soomaaliland ay leeyihiin & Dhibkii loogu geystay magaca dawladnimada Soomaaliya oo macruuf ah.

 

5- Argagixisada caalamiga ah waxay khatarta ku hayaan waa in laga fogaado in la diimeeyo Khilaafkaadkja siyaasiga ah ee Soomaalida u dhaxeeya, si looga fogaado oo ay adkaan in xal loo helo.

 

6- Dawladda Faderaalka waa in ay ka baaqsataa talaabooyin tabanaya dhaqaalaha, amniga & socodka dadka Somaliland jooga, maadaama aan xoog lagu qasbi karin Midnimo.

 

7- Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay kusoo laabato miiska wada xaajoodyada si xal waara looga gaaro khilaafka jira.