DAAWO:-Xildhibaanada gobolka Awdal oo go’aamo kasoo saaray doorashooyinka Somaliland

207

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa soo jeediyay in dib loo saxo nidaamka saami qaybsiga iyo lana kordhiyo tirada goobaha codbixinta gobolka.

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo warbaahinta u akhriya go’aamada ay soo saareen, ayaa sheegay in ay rabaan in dastuurka la furo, si saami qaybsiga dib loogu eego, iyo in dib u eegis lagu sameeyo goobaha codbixinta gobolka Awdal.

“Waxaan go’aaminay in dastuurka dalka la furo, laguna caddeeyo beelaha Somaliland sida ay wax u wadayeelanayaan, in la saxo, lagana heshiiyo habka saamiga kuraasta sharcidajinta, fulinta iyo mashaariicda horumarineed, tirada goobaha codbixinta in la kordhiyo, habka tirinta codadkuna waa in ay noqotaa hal dheeri” ayuu yidhi Maydhane.

Inkasta oo odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ay taageereen talo soo jeedintii guddida dhaqanka ee arrimaha doorashooyinka hadana qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka ayaan ku qanacsanayn in ururada laga reebo doorashada madaxtooyada.

Sidookale, Guddoomiyaha Ururka Hilaac Axmed Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi reer Awdal ah ayaa kamid ah laba guddoomiye urur oo aan wali aqbalin go’aankii guddida dhaqanka.