Daawo:- Xildhibaannada Kalundiga oo kacarooday eedii Dalxa

1699

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankii shalay ee Golaha waxaa ay ka sheegeen in Xildhibaannada ku sugan Dhuusamareeb ay yihiin kuwo kalundiyaal ah oo aan lagu casuumin kulamada ka socda halkaas.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid gef ku ah xasaanada Xildhibanaada.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Xildhibaanada lagu casuumay shirka Dhuusamareen,islamarkaana ay xaq u leeyihiin iney ka qeyb galaan.

Xildhibaan Dalxa oo ka mid ah Golaha Shacabka oo shalay hadal ka jeedinayay kulanka Golaha ayaa kalluundiyaal ku tilmaamay xildhibaanada u cararay shirka Dhuusamareeb laguna casuumin.