DAAWO:-Xildhibanada iyo wasirada Xawaadle oo kasoo horjeestay Ciidanka Beledweyne lageeyay

1149

 

Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo uu qayb ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa hadda shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in ay kasoo horjeedaan ciidamada dowladda ee la geeyay magaalada Baledweyne.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay arrintaasi tahay arrin siyaasaddee oo looga gool leeyahay in la boobo kuraasta halkaas taalla ee lagu dooran doono.

 

Siyaasiyiiintaan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono Masuuliyadda wixii ka dhasha.

Ku dhawaad  100 Askari oo ka kala katirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad iyo kuwa Gorgor iyo hubkooda ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ka dejisay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdiwho.

Ciidamadaan oo laba diyaaradood si kala gaar gaar ah looga daabulay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay meelo kamid ah Magaalada Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan.