DAAWO:-Xisbiga Waddani Oo diiday Muddo Kordhinta Muuse Biixi

276

Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhintii shalay Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisa loogu kordhiyey laba sanno.

Musharaxa Xisbiga mucaaradka C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadii shalay Golaha Guurtida Somaliland qaadeen aheyd fool-xumadii ugu weyned ee soo martay intii ay qaateen nidaamkan Axsaabta badan.

Wuxuu sheegay in Somaliland lagu hubsaday god madow oo uu dumay nidaamkii Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, isagoona tilmaamay in cirka lagu laalay rajadii Ictiraafka Somaliland, kuna eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu si toos ah ugu bareeyay sharci jebin iyo dastuurka uu meel uga dhacay.

“Xisbiga WADDANI muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13ka November  2022, wixii mudaddaas ka dambeeya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa uma aqoonsan doono kuwa sharciyad ku fadhiya” ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo ka horyimid  muddo kordhinta Madaxweyne Biixi.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u kordhiyey laba sanno, iyagoona sidoo kalena Golaha kordhistay 5-sanno ah, khilaafka ka taagan doorashada Somaliland ayaa circa isku sii shareeyay.