DAAWO: Xisbiyadda UCID iyo Wadani oo kaqayliyay Muddo Kordhinta Golaha Wakiilada iyo Guurtida S.land

1733

Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Wadani iyo UCID ayaa si kulul uga hadlay Muddo kordhinta Baarlamaanka Somaliland iyo Gollaha Guurtida, Waxayna sheegeen mid Siyaasadaysan.

Waxay sidoo kale ka hadleen Xaalada ay Somaliland hada ku sugan tahay, Waxayna sheegeen inaan la Aqbali karin Gollaaha Guurtida oo la doortay 6 Sanno oo hada Fadhiya 24-Sanno ay mar kale Kordhistaan, Iyadoo Baarlamaanka oo la doortay 5-Sanno uu Fadhiyo muddo ku dhow 15-Sanno Sano, Hadana mar Saddexaad loo kordhiyey.

Waxay sheegeen inaaysan wax wada shaqayn ah la yeelan doonin Gudiga Doorashooyinka, waxayna sheegeen inay Qaadi doonaan Tallaabooyin looga Jawaabayo Muddo kordhinta Cusub.

Xisbiyadda UCID iyo Wadani waxay sidoo kale Cambaareeyeen Weerarkii Xisbiga Wadani iyo Masuuliyiinta laga xidhay, Waxayna ka digeen inay sii socdaan Arimahaasi.