DAAWO:Cumar C/rashiid,Shariif Xasan, Maxamed Mursal oo is bahaysi samaystay =SAWIRRO

265

Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed oo ay yeesheen illaa 23 urur siyaasadeed oo kamid ah ururradii uu dhawaan diiwan-geliyay guddiga doorashooyinka qaranka.

Shirweyne u qabsoomay ururradan ayaa war-saxaafadeed laga soo saaray ku shaaciyay in ay u midoobeen sidii ay doorashada soo aadan ugu yeelan lahaayeen saameyn xooggan.

“Maanta waa maalin weyn oo shir iskugu yimaadeen ururro siyaasadeed oo Soomaali ah, ururradaasi oo si mideysan u go’aansaday in ay yeesheen isbaheysi siyaasadeed oo xooggan oo u adeegaya danta guud ee qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay isbaheysiga ururradan.

Ururradan oo ay hogaaminayaan Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal ayaa waxay shaaciyeen inay ku heshiiyeen isbaheysi ku saleysan hal barnaamij siyaasadeed iyo mideynta aragtida iyo himilooyinka ururrada.

Ururradan ayaa si mideysan ah u galaya doorashada heer deegaan, heer maamul goboleed iyo heer federaal, iyadoo la xaqiijinayo midnimada dalka, sida ay sheegeen.

“Heshiiskan waxaa qeyb ka ah in la dhiso guddiga fulinta ee isbaheysiga oo hagi doona howlaha siyaasadeed iyo farsamo,” ayaa lagu yiri qodob kamid ah heshiiska ururradan. Isbaheysigan ayaa sidoo kale ku heshiiyay “in go’aamada muhiimka ah ee la gaarayo lagu ansixiyo aqlabiyad saddex meelood, laba meelood ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo wadatashig”.

Isbaheysigan cusub ayaa bogaadiyay madaxda iyo howl-wadeennada guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ku adkeeyay “muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo hufnaanta, cadaaladda iyo madax-banaanida geedi socodka doorashada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu qancaan natiijada doorashada”.

Sidoo kale, waxay ku booriyeen guddiga in la hubiyo daah-furnaanta iyo kalsoonida ku saabsan qalabka doorashada, iyo hay’addaha qaabilsan baaritaanka iyo kormeerka habraacyada doorashada.

“Isbahaysigan cusub waa tallaabo geesinimo leh oo muujineysa in ururrada siyaasadeed ee Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay meel iska dhigaan kala duwanaanta iyo tartanka waxtarka laheyn ayna si mideysan uga shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, dimuqraadiyada dhab ah oo qof walba ka qeyb qaato iyo ilaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay 23 urur ku shaaciyeen isbaheysigooda cusub.