DAAWO:Mahdi Guuleed oo raali galin ka bixiyay hadal uuhorey u sheegay

1346

Raysal Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta raali galin ka bixiyay hadal uu horey saxaafadda ugasii daayay oo ku saabsanaa in doorashada soo socota uu madaxweyne Farmaajo wareega ugu horeeya ku guulaysandoono.

Hadalkaan ayuu raysal wasaare ku xigeenku ka sheegay magaalada Garowe halkaas oo uu ka socdo shir weyn oo ay isku arkeen dowladda iyo mucaaradka, kaasoo la isku weydaarsanayo aragtiyo xambaarsan sida Soomaaliya uga gudbi karo kumeel gaarnimada marka la gaaro sannadka 2025.

“Waxaan raali gelin iyo xaal marin kabixinayaa Hadalkeygii hore ee ahaay Wareega koowaad ayaan doorashada kuqaadi doonaa hadalkaas waxaan kabixinayaa cudurdaar iyo raali gelin” ayuu yiri Mahid Guuleed.

Murashixiinta mucaaradka ayaa hadalkaan ku sifeeyay mid ka turjumaya in dowladda qorshaheedu yahay in ay doorashada musuq maasuqdo islamarkaana hadalka mahdi Guuleed uu tusaale cad u yahay sida dowladdu damacsan tahay.