DAAWO:Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Wasiir Goodax

1735

Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland Prof. Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, kaasoo ahaa in Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada heer Federaal, maadaama Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanka dowladda dhexe.

Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa sheegay in laba heshiis oo Puntland iyo dowladda Federaalku ay wada-galeen sannadihii 2015 iyo 2017, lagu go’aamiyay in Puntland ay u madax-bannaantahay qaadista Imtixaanaadkeeda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in labadaasi heshiis si cad loogu qeexay, in dowladda Federaalku ay kormeer ku yeelato Imtixaanka Puntland, dabadeedna Ardayda Reer Puntland Shahaadada heer Federaal loogu keeno caasimadda Garoowe.

“Suurta gal maaha in Imtaxaan mid ah dalka ka dhaco, wasaarada waxbarashadu maba oga waxaan ardayda u dhigno sidee Imtaxaan u qaadi kartaa? ilaa manhaj midaysan la helo Imtaxaan midaysan ma dhici karo.” ayuu wasiirka oo ku eedeeyey wasiir Goodax inuu burburinayo heshiisyada ay horey u wada galeen labada dhinac.

HOOS KA AKHRISO QORAAL WASIIRKA.