DAAWO:Taliye ka tirsan Ciidanka Puntland oo qaba HIV AIDS

2133

Taliyaha Saldhiga Kaantaroolka galbeed ee magaalada Garoowe Bashiir Cismaan Cawad oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay Qisada Xanuunka HIV AIDS ee ku dhacay, Wuxuuna sheegay inuu Xanuunkaasi ka Qaaday Xaaskiisa oo uu guursaday.

“Waan Arki jiray Xaaskaygii oo Cunaysa Kiniin, Sidoo kale ma ogayn inay Qabto Xanuunka, Maalmihii dambe ayaan darmeemay Xanuun Siyaasado ah, Anigoo ka maqan Gurigii ayay Gabadhii hal mar guurtay, Markaan wacay waxay iigu Jawaabtay Waad dhimanaysaa “.

Wuxuu ka sheekaynayaa siduu ku Qaaday Cudurka , Cafiskii uu sameeyey , Shaqadiisa iyo Arimo kale oo La Xidhiidha Noloshiisa Gaarka ah, Wuxuu sidoo kale Dardaaran usoo Jeediyey Guud ahaanba Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Alle Amarkiisa Xaaskii kale ee uu Qabay oo Caruur u dhashay aysan Qaadin Xanuunkaasi, ” Xaaskaygii Waxay igu Tidhi Bashiiroow Qof Fiican ayaad tahay Allah kuma Hoojinayo”. Ayuu yidhi