Dab xooggan oo qabsaday Garaash ku yaalla KM4 +SAWIRRO

1723

Dab aad u xooggan ayaa goor dhow xiligii qorax dhaca waxaa uu ka kacay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Garaashkan oo ku yaalla afaafka hore ee Wadada u baxda Garoonka Aadan cadde inta u dhexeysa Km-4 iyo hotelka Afrik ayay wararku sheegayaan in lagu farsameeyo, laguna iibiyo gaadiidka, waxaana sidoo kale qeyb ka mid ah yaalla shidaal fara badan oo ay leeyihiin rag ganacsato ah.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah dabka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, ayna gubteen qaar ka mid ah gaadiidkii dhex yiilay Garaashka.

Waxaa laga cabsi qabaa in dabkan uu ku fido dukaamo fara badan oo ku teedsan qeybta laamiga soo xigta ee garaashka, kuwaasoo lagu iibiyo shidaalka iyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka loo yaqaano, waxaana qaar ka mid ah ganacsatadiin laheyd ay bilaabeen iney halkaas kala baxaan hantidooda si ay dabka uga badbaadsadaan.

Gaadiidka gurmadka iyo kuwa dam demiska maamulka gobolka Banaadir oo goobtaas gaaray ayaa dedaal ugu jira sidii ay u damin lahaayeen dabkaas oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu ka bilowday goob qashinka lagu gubo oo ku taalla garaashka dhabarkiisa dambe.

Lama soo sheegin illaa Hadda wax khasaare nafeed ah oo ka dhay dabkan wixii ka soo kordha kala soco wararkeena ugu horeeya insha ALLAAH.