(Dabageed) oo Eedeeyey Xildhibaannada Hir-Shabeelle +VIDEO

1731

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,isla markaana uu sheegay in dhibaatooyin lagu qabo.

Guddoomiye Dabageed waxa uu sheegay in Shacabka iyo Maamulka Hiiraan ay dhibaatooyin ku qabaan xildhibaanada kasoo jeeda Gobolkaas, oo uu sheegay in Madaxweyne Waare iyo kuxigeenkiisa ay mooshin la daba taagan yihiin.

“Ma ahan dhibaatada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka ee waa Xildhibaanada oo mooshin la daba taagan, waxaa ay leeyihiin guddoomiye hebel bedel ama idinka ayaan mooshin idinka keeneynaa dhibaatadaas Reer Hiiraan kaliya ayay gaar u tahay maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe kii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabey ayaa weli jooga ayuu yiri guddoomiye Dabageed”.

Si kastaba eedeynta Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu u jeediyey Xildhibaananda Hir-Shabeelle ayaanan weli dhankooda ka jawaabin,waxaana ay kusoo aadeysaa xilli bilihii la soo dhaafay isbedel lagu sameeyey Mas’uliyinta Maamulka Gobolka Hiiraan.