Dabley hubaysan oo weeraray Musharrax xildhibaan

778

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii koox hubaysan ay magaalada Garowe ku rasaaseeyeen musharrax xildhibaan oo u taagan aqalka hoose.

Labada qof ee dhaawacmay ayaa ahaa ilaalada musharrax xidlhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed dheere), kaasoo ka badbaaday isku day lagu qaari jin lahaa.

Warar ku waxay sheegayaan inuu musharraxu soo gaaray dhaawac fudud, hase ahaatee warkaasi weli si dhab ah looma xaqiijin.

Weerarka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf ka taagan doorashada kursiga hop192, oo la filayo in maalinta berrito lagu doorto magaalada Garowe.

Musharraxa la weeraray oo maanta qaatay shahaadada musharraxnimo ayay wararku sheegayaan in loo xiray kursiga, taasoo oo keentay in laga caroodo.

Maxamed Dheere waa siyaasi horey muddo dheer uga tirsanaa barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna kursiga ka dagay dabayaaqada sannadkii 2018.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Garowe, ka taagnaa cabashada musharraxiin kuraasta loo xiray.