Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab xooggan oo goordhow ka kacay suuq Bucaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn dalka.
Dabka ayaa lasoo wariyay inuu qabsaday bakhaar ku yaalla gudaha suuqa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo horleh
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana haatan soconayo gurmad deg deg ah oo wadaan gaadiidka dab-damiska oo gaaray gudaha suuqa.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo qiic fara badan oo qabsaday hawada sare ee waqooyiga Muqdisho oo ah halka uu ku yaallo suuqa gubanayo.
Xaaladda ayaa kacsan, mana cadda inta uu gaarsiisan yahay baaxdda khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuq Bacaad oo ku yaallo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.