Dad badan oo ku dhintay dayuurad ku gubatay Sheremetyevo+SAWIRRO+VIDEO

1609

Dad kor u dhaafaya 40 qof ayaa la xaqiijiyey ku geeriyootay ka dib markii dayuurad laga leeyahay dalka Ruushka uu dab qabsaday xilli ay hawada gashay ka hor inta aysan si deg deg ah u caga dhigan Garoonka dayuuradaha Sheremetyevo ee magaalada Moscow.

Dayuurada ayuu nooceedu ahaa Sukhoi Superjet 100 oo lagu farsameeyo dalka Ruushka, waxayna ku jirtay duulimaad gudaha ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka labo caruur ah oo ka mid ahaa rakaabkii dayuuradda ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilkan.

Goob jooge ayaa arrintaan ku tilmaamay mid Mucjiso ah, iyadoo diyaaradda uu dabku qabsaday ay la socdeen rakaab gaarayo 78 qof .

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa dhaliyay dabka qabsaday dayuuradda oo ku sii jeeday magaalada magaalada Murmansk ee isla dalka Ruushka.

Muuqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinayay dadkii rakaabka ahaa qaarkood oo ka cararaya dauuaradda oo gubanaysa, waxaana socda gurmad iyo baaritaano la xiriira Shilkan.