Dad hilib Udxiyada looqaybinayay oo lasooweeraray

100

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhacday galinkii dambe ee Shalay kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada oo ku taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shaqaadadaan ayaa ka dhacday Kaamka barakacayaasha Shabeelle ee ku yaala xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne, kadib markii halkaas oo lagu qeybinaayay hilibka Udxiyada ay weerareen dabley hubeysneyd oo doonayay iney boobaan hilibkaas la qeybinaayay.

Dableyda weerarka qaaday iyo rag kale oo ilaalo ka ahaa qeybinta hilibka ayaa halkaas isku dhaafsaday waqti kooban rasaasta sababtay dhimashada iyo dhaawac dadka shacabka ahaa.

Booliiska magaalada Baledweyne oo si kooban uga hadlay dhacdadaan ayaa sheegeen iney wadaan baaritaano la xariira sida ay wax u dhaceen iyo waxyaabaha keenay in dableydu weerarto goobta lagu qeybinaayay hilibka Udxiyada.

Ugu dambeyntii dhacdaan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal haayo saacadahii la soo dhaafay guud ahaan afarta xaafadood ee magaalada Baledweyne.