Dad Looga Shakiyay Coronavirus Oo Lagu Qabtay Hargeysa

1650

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa sheegaya in halkaas lagu qabay in ka badan 13 ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka COVID-19 oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla dunida.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in dadkaas laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Cigaal xili ay kasoo degeen diyaarad ay la socdeen, waxaana durbo halkaas looga qaaday qaaday gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah.

Dadka la qabtay oo tiradooda ay dhan tahay 16 ruux Soomaalina ah ayaa ka yimid dalka Mareykanka iyo dalal kale oo si weyn u sameeyay Cudurka Coronavirus, waxaana la geeyay Xarun loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo ah Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in 16 oo Soomaali ah oo looga shakiyay Corona lagu qabtay Hargeysa lana karantiilay.

Waxaa uu sheegay Agaasime Xergeeye in baaritaankii ugu horreeyay ee COVID-19 lagu sameeyay, isla markaana aan laga heli wax Cudur ah, xili ay ka yimideen dalal uu ku saameeyay Coronavirus ayna xaaladooda wanaagsan tahay.

Isaga oo sii hadlaayay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in dadkaas ay u harsan yihiin baaritaano kale oo lagu sameeyn doono, isagoona xusay in hadii laga waayo wax cudur ah la fasixi doono.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay wado dadaalo badan oo looga hortego faafida Cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haaya Caalamka.