Dad Shacab ah oo lagu laayay Muqdisho

1548

Koox hubeysan oo weerar ku qaaday guri ku yaal Degmada Wadajir ayaa la sheegay in ay ku dileen illaa shan ruux halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Dabeley hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad isku qoys ah oo ku sugnaa afaafka hore ee guri ku yaal xaafada Kaawo Godey.

Dadka dhintey ayaa isugu jirey rag iyo dumar sida ay sheegeen dad ku nool meel aan ka fogeyn,balse lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkooda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ragga geystey weerarkan ay ku hubeysnaayeen qori Ak 47 ah iyagoo goobta ka baxsaday inta aysan gaarin ciidamada ammaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay iyadoo maanta oo kaliya ay labo qarax ka dhaceen, iyadoo qaraxyadaana ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.