Dadkii dilay Axmed Dowlo oo Xukun dil ah lagu xukumay

1836

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta oo talaado ah xukun dil ah ku riday qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee nolosha lagu gubay Marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo).

Sida aan wararka ku heleyno Maxkamada gobolka Banaadir ayaa xukun dil ah ku riday sadex kamid ah dadkii loo heestay in ay ku lug lahaayeen falkii argagaa lahaa ee lagu dilay Axmed Dowlo.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sadexda qof oo xukunka dilka ah ku riday labo kamid ah yihiin walaalo , waxaana dadka xukunka dilka ah lagu riday kala yihiin Xuseen Iidow Maxamed, Aweys Iidow Maxamed iyo Asli Axmed Cabdulle.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dambi ku weysay afar kamid ah dadkii u xirnaa in ay ku lug lahaayeen dilka, waxa ayna Maxkamada amartay in lasii daayo dadka lagu waayay dambiga dilka ah.

Kiiska dilka Maxruum Axmed dowlo oo dhacay 20 September 2018 ayaa waxaa dhaliyay markii ay laba qoys oo deris ahaa isku qabteen Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay marxuumka la dilay, taasoo ay ugu wacneyd arrimo la xiriira heyb sooc.