Dadkii ka dambeeyay dilkii Gaalkacyo oo la xirey

1566

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in 5 kamid ah raggii ka dambeeyay dil wadareed ka dhacay dhowaan Koofurta Gaalkacyo xabsiga la dhigey.
Xarriga raggan ayaa yimid kadib markii xildhibaano ka socda labada gole ay gaareen magaalada Gaalkacyo kuwaasoo wadahadalo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo.

Askarta wax dishay oo tiro ahaan gaarey 11 qof, mid booliis ah oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Galmudug horay ayaa loo xiray halka 10 kale oo xoogga dalka ahaa maanta lagu guuleystay in la xiro 5 askari, weli waxaa maqan 5 kale.

Dilkii dhowaan loo geystey 13 ruux oo kamid ahaa xoogsato ku sugan Koofurta Gaalkacyo ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen 11 askari oo toban ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen ciidamo Milatari ah halka midka kalana uu yahay askari ka tirsan ciidamada Booliska.