Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex-maray bartamaha magaalada, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen ah.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan dagaalka xalay ku dhex-maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi, isla markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta loo jeediyay ee xiisadda ka abuurtay halkaasi
Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.