DAGAAL: Edinson Cavani Oo Lionel Messi U Soo Bandhigay In Ay Is Dagaalaan & Jawaabtii Uu Kabtanka Argentina Bixiyay Oo La Ogaaday

1629

Xiddigaha Lionel Messi Iyo Edison Cavani ayaa isku dhacay intii uu socday kulankii uu Xulka Argentina bar-baraha 2/2 ah la galay xulka Uruguay xilli weeraryahanka PSG lagu soo waramayo in uu dagaal u soo bandhigay xiddiga Barcelona.

Labada xiddig ayaa isku dhacay dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta kulankii Saaxiibtinimo ee ka dhacay Irael kadib markii Messi khalad lagu galay.

Cavani ayaa ku soo dhaqaayay Messi markii khaladka lagu galay iyada oo labada xiddig hadalo kulul is waydaarsadeen.

Wargayska Ole ayaa sheegaya in uu Cavani dagaal u soo bandhigay Messi iyada oo uu xiddiga Barcelona ugu jawaabay”Diyaar ayaan ahayd marka aad doonayso”.

Labada xiddig ayay kala kexeeyeen xiddigaha labada xul kuwaas oo doonayay in ay dajiyaan xaalada Xilli ay wararku intaas ku darayaan in ay labada xiddig Xitaa isku dagaaleen Tunnel-ka markii ay dhamaatay qaybtii hore ee ciyaartu.