Dagaal goor dhow ka qarxay qeybo ka mid ah Muqdisho

1253

Iska hor-imaad xoog leh yaa hadda ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada. Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayuu xoogiisu ka socdaa taalada Daljirka Daahsoon oo ah goobtii loo asteeyey in lagu qabto banaanbaxa.

Waxaa sidoo kale halkaas ku yaalla Hotel Nasahablood 2, oo ay degan yihiin qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore.

Sidoo kale Senator Ilyaas Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Farmaajo uu weerar cad kusoo qaadey Daljirka-Dahson oo oo maalinta berito ah loo diyaariyay inuu kadhaco mudaaharaad nabadeed halkaas oo ay joogeen ilaalada Masuuliyiinta Midowga Musharraxiinta oo ay ugu horeeyaan 2dii Madaxweyne ee hore Sheikh Sharif iyo Hassan Sheikh.”