Dagaal ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho

1329

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal ka dhacay galabta gudaha xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan boqolaal maxaabiis ah oo u xiran dembiyo kala duwan.

Ilo wareedyo ku sugan xabsiga ayaa Allbanaadir Online u sheegay in qaar ka mid ah maxaabiis ka tirsan Al-shabaab ay qoryaha ka qaateen ilaalada xabsiga qaarkood, ayna halkaas ka bilaabeen dagaal.

Wararka kale ayaa sheegaya in maxaabiista ay gacanta ku dhigeen bakhaarka keydka hubka ee ay isticmaalaan ciidanka xabsiga ilaalida ka ah.

Ciidanka ilaalada xabsiga iyo maxaabiista hubeysan oo aan tiradooda saxda ah la ogeyn ayaa la sheegay inuu dagaal ku dhexmaray gudaha xabsiga kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Ciidamada amaanka ayaa xiray dhamaan jidadka soo gala xabsiga, waxaana dadweynaha ku nool degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar-weyne ay sheegeen iney ka joogi waayeen daryanka rasaasta la isweydaarsanayey.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gudaha xabsiga ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo saraakiisha ciidanka asluubta ay sheegayaan iney goor dhow war ka soo saari doonaan dhibaatada ka dhacday gudaha xabsiga.

Dhinaca kale, afhayeenka Wasaarada warfaafinta Xukuumada Somalia ayaa goor dhow bartiisa facebook ku soo qoray in la laayey dhamaam maxaabiistii dagaalameysay, lana soo gebagegeebeyey howlgalkii ka socday xabsiga dhexe.

“Mar dhaw faahfaahin ayaa laga bixinayaa xaaladda Xabsiga dhexe, Hadda xaaladda caadi ayay kusoo laabatay, waxaana la dhilay dhammaan raggii dagaalamayay” ayuu yiri Ismaciil Mukhtaar Orango.