Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

1624

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo barqanimadii manata ka dhacay qeybo ka mid ah M/Muqdisho.

Iska hor imaadka oo u dhexeeyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ka dhacay gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga dhacay agagaarka, halka loo yaqaano Xaawa-Casir oo ka tirsan degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 1 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay is-raaseynta dhex-martay labada dhinac, iyadoona ay jiraan dhaawacyo soo gaaray labada ciidan ee diriray.

ciidama dagaalmay oo ka wada tirsan kuwa milatariga Soomaaliya ayaa isku heysto arrimo la xiriira muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalamaya magaalada Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.