Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

2078

Waxaa Maanta xaafada Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir ka dhacay dagaal sababay khasaaro kala duwan ,kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya balse u abaabulan qaab beeleed.

Dagaalka ayaa saacado qaatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya balse u hubaysnaa qaab beeleed.

Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku haayey isku qabsiga dhula sharci darro ah oo ku yaalla xaafadaas, waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen 5 Ruux oo uu ku jirey ruux ku shaqeysanayey Gaari Gacan.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Ciidamo la kala dhex dhigay, isla markaasina uu joogsaday dagaalkaasi.

Dagaalka inta uu socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka, basle haatan las oo sheegayo in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Goobaha Ganacsiga dib loo furey.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tarabuunka.

Maleeshiyaadkaan oo sidoo kale shalay ku dagaalamay halkaasi, wuxuuna dagaalkooda noqday mid soo laalaabto.