Dagaal saakay ka qarxay magaalada Beledweyne +SAWIRRO

1433

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxey saakay ku waabariisatay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo uu hogaaminayo Janeraal Xuud.

Abuukar Xuud wuxuu kasoo horjeedaa dhismaha maamulka Hir-Shabelle iyo in magaalada Baladweyne uu tago madaxweynaha dhawaan loo doortay maamulkaas ee Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidamada uu hogaaminay Janeraal Xuud ayaa la wareegay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne, waxeyna arinta timid kadib markii ay ka warheleen inuu maanta magaalada ku wajahan yahay Cali Guudlaawe.

Inta la ogyahay ilaa iyo laba qofood ayey waxyeelo kasoo gaartay dagaalka, mid ka mid ahna uu yahay kooxahii dagaalamay, waxaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada uu hogaaminayo Janeraal Xuud ayaa sheegtay iney xaafado dhawr ah oo ka tirsan Baladweyne ay heystaan, isla markaana ujeedkoodu yahay iney hor istaagaan imaatinka Cali Guudlaawe ee magaalada.