Dagaal xoogan kasocdo Boosaaso oo

975

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda iska hor imaad u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya rasaas culus oo laga maqlayo xaafaddaha magaalada Boosaaso, waxaana xaafaddaha xabbadu ka socota ka qaxaya dadka shacabka oo horey halkaas u daganaa.

Lama oga cidda bilowday dagaalka, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in ciiddanka Puntland ay weerar ku qaadeen taliska guud ee hay’adda PSF, halkaas oo ay isku urursadeen ciiddanka PSF.

Waxaa lasoo sheegayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ka dhashay iska hor imaadka socda, welise lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Wada hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagusoo afjaro xiisadaha Boosaaso ayaa guul daraystay, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.