Dagaal xoogan oo ka socda Kontrolka Garoowe

160

Dagaal ayaa ka socda saaka agagaarka garoonka dayuuradaha magaalada Garowe iyo kantaroolka bari ee magaaladaas, kaasoo la isku adeegsanayo hub kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo socda muddo saacado ah uu bilowday xalay saqdii dhexe markii ay fooda is dareen ciidamo taageersan Deni oo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka ee gobollada Bari iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo ka soo horjeeda doorashada uu Deni gadaal ka riixayo.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, balse weli lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo bayaan soo saaray ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod, si aysan u sababin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Doorashada goleyaasha degaanka Puntland ee qof iyo cod ayaa loo madlan yahay 25 ka bishan May, waxaana laga cabsi in doorashadan lagu muransan yahay ay Puntland ka dhaliso dagaalo iyo qalalaase siyaasadeed.

Madaxda Dowlada Somalia ayaa horey uga digay in Doorashooyin aan la isku raacsaneyn oo laga qabto Puntland ay sababi karaan qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo sababa iney meesha ka baxaan amniga iyo horumarka ay ku talaabsadeen degaanada Puntland.