Dagaal xoogan oo kaqarxay gobolka Sanaag

2073

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed saaka ka qarxay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Dagaalka oo ahaa mid qaraar ayaa xoogiisu wuxuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Fadhigaab oo hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi.

Ugu yaraan illaa 2 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Maleeshiyaadka diriraya oo maalmihii la soo dhaafay waday dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa isku haya arrimo la xariira dhul-daaqsimeed.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona weli ay is-horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac oo abaabul dagaal ka wada halkaasi.

Inta badan Ceel-Afweyn iyo deegaanada hoos-yimaada ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyada, iyadoo Somaliland lagu eedeeyey inay ka gaabisay wax ka qabadashada colaadahaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kuna barakaceen kuwa kale.