Dagaalka Xamaas iyo Israel oo ka socda 7 aag

190

Milatariga Israel ayaa war ay soo saareen saakay ku sheegay in ay duqeeyeen boqollaal bartilmaameedyo ah oo Xamaas iyo Islamic Jihad ku leeyihiin marinka Qaza , waxa ayna Israel sheegeen in weerarkooda jawaab u yahay weerarkii Xamaas kusoo qaaday.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Israel iyo xoogaga jihaadiga ee Xamaas ayaana wali ka socda deegaanno kamid ah dhulka ay Israel xoogga ku heesato iyo sidoo kale xadka Gaza la wadaago dhulka Idrael heesato.

Afhayeen u hadlay militariga Israel ayaa sheegay in dagaal xooggan uu ka socdo todobo ama sideed goobood oo u dhow marinka Gaza, laba maalmood ka dib markii rag hubaysan oo ka tirsan kooxda islaamiga ah ee Xamaas ay dileen dad ka badan 700 oo Israa’iiliyiin ah.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay beegsadeen in ka badan 500 oo ah bartilmaameedyada Xamaas iyo Islamic Jihaad ku leeyihiin Marinka Gaza , waxa ayna sheegeen in goobaha ay beegsadeen ay ka mid yihiin xarumaha taliska Xamaas iyo Islamic Jihad iyo guriga uu degan yahay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Ruhi Mashtaa oo ay ku leedeeyeen inuu uu ka dambeeyay weerarkii Xamaas kusoo qaadeen.

Weerarkii kooxda Xamaas Sabtidii ku qaadeen dhulka Yahuuda xoogga ku heesato ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado dhulka Israel xoogga ku heesato tan iyo weeraradii Masar iyo Suuriya ee dagaalkii Yom Kippur ee dhacay 50 sano ka hor.