Dagaalkii Xeraale iyo khasaaraha dhimashada oo korortay

1723

Xaalada deegaanka Xeraale ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa duhurnimada maanta ah dagan kadib dagaal soo bilowday saqdii dhexe ee xalay, kaasoo soo gaaray illaa barqanimadii maanta.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan iney dib u laabteen Ciidamadii weerarka soo qaaday ee Ahlusuna, waxaana dib ugu soo laabtay magaalada dadkii Shacabka ahaa, iyadoo fagaare ay kula hadleen maamulka deegaanka Xeraale.

Khasaraaha dagaalka ka dhashay ayaa ka badan dhimashada 10 ruux oo u badan labada dhinac ee dagaalantay iyo tiro Shacab ah, halka dhaawacyadana ay ku dhow yihiin labaatameeyo.

Dadka dhaawacyada ayaa la kala geeyay Isbitaalo ku yaala magaalooyinka Cabduwaaq, Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaasoo xaaladooda lagu dabiibayo.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Galmudug, Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in loo baahanyahay in si deg eg ah loo jooiyo dagaalka Xeraale, Galmudug ayuu shaaciyay iney Ciidan iyo odayaalba u direyso si loo joojiyo xabadda.

Deegaanka Xeraale ayaa waxaa ka jira maamul maxalli ah oo aan hoos tagin Maamulka Galmudug, waxaana garabka ka taliya deegaankaas uu ka go’ay Ahlusunadii Dhuusamareeb iyo Guriceel ee ku biiray Maamulka Galmudug.