Dalibaan oo amaro cusub soosaartay

1429

Maamulka ay hoggaanka u hayaan Taliban ee qabsaday dalka Afganistan ayaa soo saaray awaamiir cusub, waxaana la xiray dhammaan safaaradihii caalamka marka laga reebo Turki.

1- In dhammaan masuuliyiinta dawladda, Shaqaalaha, ciidamada Amniga noocyadood kala duwan ay cafis yihiin (Cidna dambi hore looma haysto).

2- In dhammaan shaqaalaha dawladdu sii wataan shaqadooda sida caadiga ah oo ay is dajiyaan, Adeegyada dawliga ah socdaan.

3- In qofna aan loo raacaneyn dambi hore, Qof kastaaa xoriyad leeyahay.

4- In ay amaan iyo nabad kujoogaan dhammaan Safiirada iyo Shaqaalaha Shisheeye ee kusugan Afganistaan, sharciyadana lahubinayo.

5- In Shacabka Afganistan ay xaq iyo xaquuqdooda leeyihiin, Qof kastana daganaanshaha ka shaqeeyo.

Safaaradda kaliya ee ka furnayd xalay Afganistan waa mida Turkey oo aan la xirin sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibada Turkey oo wariyayaasha lahadlay goor dhaweyd, Inkstoo warar sheegayaan in Dalalka Qatar iyo Pakistan ay furan yihiin.