Daniel James Oo La Sheegay Halka Meel Uu Kaga Fiicanyahay Kylian Mbappe

1853

Tababaraha xulka qaranka Hungary ee Marco Rossi ayaa rumaysan in uu xiddiga kooxda Man United garabka uga ciyaara ee Danile James dhanka Orodka badan kaga fiican yahay xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe.

Xiddiga reer Wales ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Man United bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo xitaa la odhan karo waa xiddiga ugu fiican man United.

Tababaraha Xulka qaranka Hungary ee Marco Rossi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” James waa xiddig aad moodo in uu ku ciyaarayo Mooto sabata oo ah run ahaantii aad ayuu u orod badan yahay”.

“Waligay ma arkin xiddig sidiisa oo kale u orod badan, xitaa waxa uu ka orod badan yahay Mbappe, waa xiddig aan la rumaysan karin”.

Hadalkan ayaa dad badan ku noqonaya la yaab marka loo eego in uu Mbappe yahay xiddig aad u dheereeya oo orod badan.