Danjire Geelle oo kashifay waxa ay Itoobiya diidan tahay

84

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta XFS Ambassador Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay arrin ay kasoo horjeedan Itoobiyaanka.

Danjire Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeedo, isla markaana ay dhib ku tahay in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

“Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh, waana midda ay ka jiifan la’dahay,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay in daan-daansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar, balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay “in aynu nahay laba dal oo deris ah oo aynu nabad ku wada noolaano iyo in ay Soomaaliya u madax-banaanan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar.

Tallaabadan ayaa muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii August la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira.

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono, taas oo durba oo walaac xooggan ay ka muujisay Itoobiya.