Danmark oo mamnuucday in la gubo Qur’aanka kariimka

154

Dalalka Denmark iyo Sweden waxa ay hormuud u ahaayeen dalalka lagu gubo kutaabka Quráanka Kariimka, waxaana marar badan dad cunsuriyiin ah loo oggolaaday in goobo fagaare ah ku gubaan kuna jeex jeexaan kutaabka Quráanka.

Waddamadan ayaana dhibaato badan kala kulmay falalkaasi lagula xad-gudbay dalalkooda kutaabka Quráanka, waxaana ficiladaasi foosha xun si weyn uga carrooday dalalka Islaamka oo qaarkood goáanno adag soo rogay.

Dowlada Denmark ayaa markan dooneysa in dalkeeda gabi ahaanba laga mamnuuco in lagu gubo kutaabka Quráanka , waxa ayna soo jeedisay hindisa sharciyeed dambi ka dhigaya in lagu xad-gudbo kutaabka Quráanka.

Wasiirka caddaaladda dalka Denmark Peter Hummelgaard ayaa sheegay in kitaabka Quraanka oo la gubo ay waxyeello u gaysatay Danmark, ‘waxa uuna xusay in falalkaasi kutaabka lagu gubay halis galiyay ammaanka muwaadiniintiisa.

Sharciga la qorsheeynayo ayaa dambi ciqaab lagu muteysan karo ka dhigaya cid waliba oo si xun ula dhaqanta Qur’aanka ama Baybalka. Waxaa qofka falkan lagu helo uu muteysan karaa ganaax iyo xarig muddo 2 sano ah.

Dowladad Denmark ayaana dooneysa in farriin cad u dirto dalalka caalamka ayna muujiso markan in ay kasoo horjeedo gubista kutaabka Quráanka , oo bilihii lasoo dhaafay dalkaasi iyo Sweden marar kala duwan lagu gubay.