Dayuurad uu la socday Madaxweyne Ibrahim Raisi oo dhacday

145

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa dhacday maalintii Axadda, xilli ay ka udbaysay dhul buuraley ah oo ceeryaamo xooggani ay ka jirtay

Madaxweynaha iyo wafdigisa ayaa shilkan galay xilli ay ka soo laabanayeen booqasho ay ku tageen dalka Azerbaijan, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka Iran.

Cimilada oo xun ayaa adkeysay dadaallada samata bixinta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA. Wakaaladda wararka ee Fars ayaa ku boorisay Iiraaniyiinta inay u duceeyaan Raisi, TV-ga dawladduna wuxuu u qaaday ducooyin ammaankiisa.

IRNA waxay sheegtay in helicopter-ka ay ay la socdeen Raisi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amirabdollahian iyo saraakiil maxalli ah.

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi ayaa hadda la xaqiijiyay inuu badqabo, waxaana looga soo kaxeeyay diyaaradii siday mooto uu hadda ku safrayo isagoo ku sii jeeda magaalada lixaad ee ugu dadka badan Iran ee Tabriz, oo ka tirsan gobolka Tabriz waqooyi-galbeed Iran, halkaasoo la sheegay inay ku degtay diyaaradda sidey madaxweynaha oo aan wali la xaqiijin inay si iskeeda ah u degtay ama ay dhacday, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dawladda Iran ee Mehr News Agency.

Hase ahaatee warkan ay faafisay Mehr News Agency ayaa shaki badan laga muujinayaa iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo iskhilaafsan

Raisi, oo 63 jir ah, ayaa loo doortay madaxweyne 2021, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxa uu amray in la adkeeyo sharciyada anshaxa, waxa uuna kormeeray olole dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah mudaaharaadyada dowladda ka soo horjeeda, waxaana uu si adag u riixay wadahadallada nukliyeerka ee quwadaha adduunka.