Dayuuradii F-16 ee la siiyey Ukraine oo burburtay iyo duulihii….

73

Duuliyihii u sarreeyay ciidanka Ukraine ee muddada labada sanno ah loo tababarayay diyaaradda F-16 ayaa geeriyooday, sidoo kalena waxaa burburtay diyaaraddii u horreysay ee F-16 oo ka mid ah diyaaradihii dhawaan lagu wareejiyay Ukraine.

Xaaladan naxdinta ku ah Ukraine waxay dhacday inta uu socday weerarradii ballaarnaa ee Ruushka uu labo maalin ka hor ku qaaday Ukraine.

Oleksiy Mes oo 31 jir ah ayaa ka qeyb qaadanayay howlgalkii looga hortagayay weerarkii Ruushka ee Isniinta isagoo markaa duulinayay diyaaradda F-16 ee hadda la xaqiijiyay inay burburtay, wallow Ukraine aysan bixin faahfaahinta haddii diyaaradan uu Ruushka soo riday, sida u sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Mareykanka ayaa la sheegay inuu hadda ka dalbaday Ukraine inay soo bandhigto sida uu u dhacay shilkan dhabar-jabka ku noqonaya reer galbeedka.

Markii ay reer galbeedka ku wareejiyeen diyaaradda F-16 , wuxuu Ruushka u ballanqaaday ciidankiisa kooxdii kasta oo soo ridda diyaaradda F-16 oo Mareykanka uu soo saaro in la siin doono abaalmarin $150,000 iyo dalacsiin.