DEG DEG: Al-Shabaab oo sheegay in weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Garoonka Balli-doogle

1696

7Al-Shabaab ayaa sheegay in weerar ku bilowday qaraxyo xooggan ay goor dhow ku qaadeen Garoonka Balli-doogle ee duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, Ciidanka DANAB iyo Ciidan ka tirsan AMISOM.

Sida wararku sheegayaan qaraxyo waa weyn oo ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa laga maqlay dhanka Balli-doogle, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka Wanlaweyn.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in weerar culus ay ku qaadeen Saldhigga, ayna dagaalyahanadooda la wareegeen qeyb ka mid ah Garoonka Balli-doogle.

Garoonka Balli-doogle ayaa ah saldhig Milateri oo ay isticmaalaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan saldhigga ka kaca. diyaaradaha qumaatika u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.

La soco wixii warar ee ku soo kordha