Deg deg:- Dowlada oo beenisay in Al-Shabaab ay joojisay dayactirka garoonka Muqdisho Stadium.

1564

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dayactirka garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

Mas’uuliyiin uu horkacayay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka Warfaafinta Maareeye & guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa gelinkii dambe ee maanta booqday garoonka Muqdisho Stadium.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howshii dhismaha & Dayactirka ee stadium muqdisho ay si caadi ah u socdaan,isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyaan,waxana uu sheegay inaysan jirin cid joojin karta.
Wasiirka Warfaafinta Maareeye ayaa uga digey Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dad uu ku tilmaamay inay caadeysteen baahinta wararka been abuurka ah.
Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha,isla markaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimahaas.
Waxaa maanta soo baxay warar sheegayay in Al-Shabaab ay ku amreen shaqaalaha garoonka dayactirka ka waday inay joojiyaan illaa amar dambe.
Waxana warkan uu ku soo beegmay xilli in kayar 24 saacadood ay ka harsan tahay ciyaarta lugta labaad ee tartanka isreebreebka koobka adduunka ee 2022 oo xulka Soomaaliya marti u yahay xulka ZImbabwe kadib markii xulka Soomaaliya uu lugtii hore 1-0 ku badiyay.