Deg deg Dowladda Farmaajo iyo kheyre oo Ciidankii ugu badnaa ka dajisay Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb

1949

Warar Goor dhow naga soo gaaray Galagduud ayaa in Garoonka Diyaarada Magaalada Dhuusamareeb ka Dagaya Horin ka Tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Turkigu Tababaro “Haram-Cad” oo Tiradoodu Dhantahay 100 Askari kuwaa oo Ku Yimid Labo Diyaaradood , Ciidamadan ayay Macquul Tahay in Tiradooda Lasoo Kordhiyo waxaana Lagu Xoojinayaa Ciidamada Sugaya Amaanka Goobaha Doorashooyinku ka Qabsoomayaan ee Magaalada Dhuusamareeb Sidoo kale waxaa La Filayaa in Qaarkood lagu Xoojiyo Ciidamada Dowlada ee Ku Sugan Degmada Guriceel .

Ciidankaan Dowladda Somaliya ay ka keenay Magaalada Muqdisho ayaa yimid ka dib markii Fashil ku soo idlaadeen Kulan wadda xaajood ah oo Dhex maray Hogaanka Ahlusuna iyo Dowladda.

Dhan kale Maamulka Ahlusuna Ee Gobolada Dhexe ayaa wadda Abaabul ay oga Hortayaan Qorshaha Dowladdu ay ka leedahay Galmudug

Wixii intaasi ka soo kordha halkaan kala Socoda