Deg deg Galmudug oo ka shirtay Sidii Loo adkeyn lahaa Amniga Degaanadeeda

1588

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Saadaq Sheikh Yuusuf ayaa xalay shir gudoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay amniga Caasimadda Dusmareeb iyo guud ahaan deegaanada Galmudug kaasi oo kaqabsoomay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Dusmareeb

Kulanka oo ay kaqayb galeen qaybaha kala duwan ee Saraakiisha Amniga, Maamulka gobolka galgaduud, Kan Caasimadda iyo Masuuliyiin kale ayaa ugu horayntii warbixino looga dhagaystay Taliyaasha Ciidamada Nabad Sugidda iyo Boliiska iyadoo Talisyadaasi loogu jeediyay bogaadin ku aadan dadaaladooda sugidda Amniga iyo ka hortagga waxyaabaha lidiga ku ah bulshada ,

Waxaa la isku faray kulanka in la sii adkeeyo dhowrista amaanka Caasimadda iyo guud ahaan Galmudug iyo in laqaado talaabooyin dheeraad ah oo lagu beegsanayo goobaha ay kusugan yihiin argagaxisadu Sida uu cadeeyay Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheikh yuusuf .