DEG DEG:- Howl galo lagu Xoreynayo Degaanada Galmudug Oo ka Bilowday MUDUG

1621

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen: C/Casiis Claahi “Qooje” Ayaa Deegaanka #baacadwayn iyo Tuulooyinka Hoostaga ee Gobolka Mudug Ku Gaaray Socdaalka u Diyaar Garowga Howlgalada Lagu Xoreynayo Deegaanada Maleeshiyada Argagaxisadu ka Joogaan Galmudug

Ciidamada oo Wada Is Fidin iyo Ruuqaansi Milatari ayaa Kaabiga u Saaran Deegaano Kooxdu kaga Dhuumaaleysaneyso Mudug iyadoo Kooxdu u Muuqato in ay soo Wajahdey Baqdin Xoog leh

Taliyaha Qaybta 21-aad ayaa u Sheegay Shacabka Bacaadweyn in La Joogo waqtigii Ciidamadu Xoreyn lahaa Dalka isagoo balan qaadey in dhagaha Shacabka dhowaan maqli doonaan Guulo lataaban Karo oo Qaybtu ka Soo Hooyn doonto Weerarada Cadawga .