Waxaa goor dhoweyd lagu dilay xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Adoon oo kamid ahaa ragii ugu dhowaa hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Nabadoonka oo ay dileen kooxo hubaysan ayaa la sheegay xiliga la dilayey in uu kasoo baxay Salaadii Cishe, waxaana uu kamid ah dadka ugu caansan magaalada Kismaayo.
Waxaa la sheegay in uu ka dhisay gudaha magaalada Kismaayo goobo kala duwan isla markaasna Qandaraasyo uu ka qaadan jiray Axmed Madoobe oo uu aad ugu dhowaa halka uu kamid ahaa dadka wax kasoo xulay
Hawlgalo xoogan iyo baadhis ayaa ka socda magaalada Kismaayo, waxaana ciidamadu ay raad joogaan cidii ka dambaysay dilka Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Adoon.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey ka jiray siyaasado is diidan iyo falal lagu beegsanayo cid walba oo taageersan kooxaha isku haya siyaasada Jubbaland