Deg deg Puntland Oo Maanta War ka soo Saareysa Shirkii Muqdisho lagu soo Gaban Gabeyey.

1630

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, iyadoo la filayo in laga soo saaro go’aano culus.

Sida wararku sheegayaan Saciid Deni ayaa shalay ku wargeliyay dhammaan Golaha wasiirada inay soo galaan magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in shirka degdega ah ee Golaha Wasiirada Puntland looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa qaadacay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee SPF, isla markaana horay Madaxweyne Saciid Deni u caddeeyay in aanay ka qeyb galeyn shir ay Puntland wax talo ah ku laheyn.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa heerkii ugu sareysay, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xooggan ay ka jiraan magaalada Muqdisho oo ay shirar ay ku leeyihiin Xisbiyada siyaasadda ee ay horboodayaan Madaxdii hore ee Soomaaliya