Deg deg:- Warsaxaafadeed, Ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Xiisad ka taagneed Degaanada

1842

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladdnimada Puntland ee 21-sano jirsatay.

Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raaligin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu ay la laalabato Dacwada ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka, ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya Codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay

DHammaad