Deg deg:- Xiisad Dagaal oo Ka Tagan Dhuusa Mareeb & Ciidamo Is Hor fadhiya.

1935

Warar Hoose oo ay Heshay Warbaahinta Wardoor.net ayaa sheegaya in Xiisad Dagaal hada ay ka Tagan tahay Gudaha Magaalada Inta Dhuusa Mareeb sida ay noo Xaqijiyeen ila lagu Kalsoon yahay oo aan la Xariirnay,
Xiisad ayaa udhaxeya ciidamo kala taabacsan Ahlusuna iyo Dowladda Dhexe
Xiisad ayaa timid ka dib markii ciidamo badan oo ka amar qadta Ahlusuna ay gudaha soo gali rabeen Magaalada Islamarkaana hor istaag ay ku sameyeen. Ciidanka Dowladda ay ku sugan Bar Kontarool oo Magaalada duleedkeeda ku taalo sida ay sheegaan dad Goobjoogayaal ah
Ilaa hada labada dhinac Ahlusuna iyo Dowladda ma jiraan cid ka Hadashay Xiisadda udhaxeysa Labada Ciidan.

Wixii Warar ah ee ka soo Kordha halkaan kala Socoda.