Deked kaluumaysi oo Hobyo laga hirgeliyey (Sawirro)

1236

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa xariga ka jaray dakada kaluumeysiga hobyo.

Dhismaha dakadan oo ay iska kaashadeen Maamulka Galmudug iyo Dowlada Talyaaniga ayaa saacidi doonta Kalluumeysatada Galmudug

Xarig jarka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dakadaha iyo kalluumeysiga Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano, DFS iyo labada gole ee dowlada Galmudug, Maamulka Magaalada Hobyo, iyo masuuliyin ka socda Dowlada Talyaaniga iyo Hay,ada WFP.

Dowlada Galmudug ayaa sido kale wada Qorshe lagu dhisayo Dakada weyn ee Hobyo iyo Garoomo Dayuuradeed.