Doon ganacsi oo u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ayna saarnaayeen xamuul iskugu jira gaadiid, Shidaal, cunooyin kala duwan iyo qalab dhismo ayaa ku xiratay dekeda Hobyo.
Shixnadan ayaa waxaa dhammaantood lagu dejiyey iyada oo la isticmaalayo shactaro, wishash iyo agab kale oo loogu talo-galay howl-gelinta Dekedda KMG-ka ah.
“Doonidan ganacsi ayaa waxa ay bilaw u ahayd qorshihii howlgelinta Dekadda KMG-ka inta laga gaarayo dhismaha Dekadda Casriga ah oo aan rajaynayno in ay bilaabato bilawga sanadka soo socda Insha Allah.”ayuu yiri Wasiirka Dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Cabdisabir Shuuriye.
Wasiirka Dekedaha Galmudug ayaa u mahadceliyay ganacsatada Shirkadda Baraarug oo aaminay Dekeddan KMG-ah kuna dhiiraday in ay hantidooda galiyaan howshan bilawga ah, waxaa aan dhinaca kale uu codsi u diray ganacsatada kale ee reer Galmudug in ay ganacsigooda deegaanada kale qeyb ahaan u soo wareejiyaan Dekedda KMG ah ee Hobyo.
Dekedda Hobyo ayaa lagu wadaa in horaanta sanadka soo socda dhisme lagu bilaabo iyadoo si casri ah loo dhisayo.