Deni & Axmed Madoobe oo lagu qasbay inay ka qeybgalaan shirka Mqudisho

1881

Warar laga helay ilo katirsan beesha Caalamka & Madaxtooyada Puntland ayaa daaha ka rogaya in uu jiro cadaadis xoog leh oo ay wakiilada caalamiga ah ku hayaan madaxweynayaasha dawlad gobaleedyada Jubbaland & Puntland oo ay ku cadaadinayaan ka qeybgalka kulanka madasha Amniga Qaranka ay ku yeelanayso magaalada Muqdisho ee caasumada dalka, taas oo markii horeba ay qeyb ka ahaayeen dalabkeeda.

Macluumaadka la helay, waxay sheegayaan in labada masuul-ba ay telfoon kula hadleen wakiilada caalamiga ah xubnaha ugu sareeya, gaar ahaana dawladda Mareykanka oo doonaysa in ay xubnahan qeyb kanoqdaan kulanka Muqdisho, isla markaasna ay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee hadda taagan.

Puntland & Jubbaland, waxay muujiyeen saluug kuwajahan hanaanka loo maray sharciyada ay meelmariyeen baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, waxayna doonayaan in gabi ahaanba laga laabto xeerarka la meelmariyey, laakiin caqabado badan ayaa ka hortaagan suuragalnimada qodobkaas.

In ay dhinacyada siyaasada oo ay ugu horeeyaan dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka heshiis ka gaaraan nooca doorashada ee dalka ayaa ah mida ugu weyn ee ay sugayso Beesha Caalamka, marka la gaaro 10-ka bishan July, haddii aysan taasi dhicin waa caqabad kale oo halis badan.

Beesha Caalamka, waxay kaloo hoosta uga xariiqday madaxda labada maamul gobaleed in ay horey u dalbadeen is araga dawladda Faderaalka, oo ay marar badan ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo in usan daacad ka aheyn wada hadal lays kugu yimaado, laakiin markii lagu dhawaaqay aysan ka baaqsan Karin.

2da maalmood ee nagu soo aadan ayay kala cadaan doonto in ay labada maamul-ba aqbalaan warka beesha Caalamka ama ay diidaan, waxase warar madax banaan ay sheegayaan in 2da Madaxweyne ay aadi doonaan magaalada Muqdisho, oo ay uga qeybgalayaan wada xaajoodyada xagga siyaasadda ah ee loo madlan yahay.